Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo dib u abaabushay ciidamadii ugu badnaa oo ku wajahan furimaha dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamo.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib loo abaabulay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka baxay ciidamadii ugu badnaa.

Ciidamadaan oo u badan Gor Gor ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu abaabulay magaalada Muqdisho, waxaana hadda loo daabulayaa gobollada dalka.

Laba urur oo ciidanka Gor Gor ah oo dhulka maray ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Horay Guriceel waxaa u joogay hal urur oo ciidanka guutada Abuu-dujaana ah, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay la geeyey, sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidankaas shalay ku wargeliyey inay dagaal u diyaar garoobaan.

Ciidan kale oo saacadihii lasoo dhaafay ka baxay Muqdisho ayaa caawa kaabiga ku haya degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, degmadaas ayaa ka mid ah  deegaanadii ay dib uga soo baceen ciidamada qaranka.

Sidoo kale abaabul ciidan kii ugu xooganaa ayaa ka socda Muqdisho, waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in furinata loo diro kumanaan askari oo hadda lagu diyaarinayo xeryaha ciidan ee ku yaalla Muqdisho.

Ciidamadaan waxay Muqdisho ku yimaadeen fasax bil ku dhawaa oo la siiyey markii ay soo baneeyeen furimaha, gaar ahaan degmooyinka Ceeldheer, Galcad,Mesegawaa iyo Ruun-nirgood.

Hadda ayaa ciidankaas dib loogu celinayaa furimaha dagaalka, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la dardar geliyo howlagalada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda Eritrea ku maqan ayaa markii uu dib ugu soo laabto dalka wuxuu toos u aadayaa Dhuusamareeb oo dagaalka Al-Shabaab uu ka hoggaaminayey labadii bilood ee lasoo dhaafay.

The post Xog: DF oo dib u abaabushay ciidamadii ugu badnaa oo ku wajahan furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this