Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey tirada dad uga dhintay weerarka Israa’iil iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
387741558_708475421326899_65702258907932

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in sagaal ka mid ah muwaadiniinteeda lagu dilay gudaha dhulka Israa’iil, halkaas oo maalinkii seddaxaad uu ka socdo weerar uu qaaday ururka Xamaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhibanayaasha iyo qoysaska dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey, waxaana u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sii wadeynaa inaan si dhow ula socono xaaladda oo aan la xiriirno saaxiibadayada Israel, gaar ahaan maamulka maxalliga ah.”

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay safaaradda Israa’iil ayaa shabakadda wararka ee CBS u sheegay in tirada dadka lagu dilay weerarrada Israa’iil ay hadda marayso 900 oo qof.

Dhanka Qasa, tan iyo bilowgii weerarkii aargoosiga ahaa ee Israa’iil, waxay hadda dhimashadu maraysaa 600 oo qof, inta si rasmi ah loo xaqiijiyey.

Chancellor-ka Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in uu filayo in uu fiidnimada Isniinta uu kala hadli doono dhiggiisa UK, Faransiiska iyo Mareykanka colaadda Bariga Dhexe.

Scholz ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ka hor shir wadajir ah oo golaha wasiirada dalalkooda ay ku yeelan lahaayeen magaalada Hamburg.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ka hadlayay sida uu dalkiisa uga jawaabayo weerarka Xamaas ayaa sheegay in tani ay tahay billowga.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, saraakiil ka socotay koofurta Israa’iil ayuu u sheegay in “waxa ay Xamaas la kulmi doonto ay tahay wax adag oo xanuun badan”.

Netanyahu ayaa intaa raaciyay in tani ay “tahay billowga… waan idinla jirnaa dhammaan xoog ayaana uga reyn doonnaa, awood weyn”.

The post Mareykanka oo shaaciyey tirada dad uga dhintay weerarka Israa’iil iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this