Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucday in ay hub la soo galaan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa soo saartay go’aanno u muuqda kuwa lagu cabburinayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee imaanaya Garoowe.

Guddiga Nabad-galyada Gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda.

Guddiga ayaa sheegay in Amniga siyaasiyiinta imaaanaya Garoowe ay mas’uul ka tahay dowladdu islamarkaana aysan hub la soo geli karin gudaha magaalada.

Guddiga Nabad-galyada Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha la isugu imaanayo ay amnigoda sugayaan ciidamada dowladda.

FB_IMG_1696841830684.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucday in ay hub la soo galaan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this