Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Finland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696849549357.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.

Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Finland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this