Sign in to follow this  
Deeq A.

Askarta Line-ka Bileyska oo iska Waabiyay ciidan duhurkii la Geliyay Xaafadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Askarta Lineka Bileyska oo iska Waabiyay ciidan duhurkii la Geliyay Xaafadda

Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Somaliland ayaa ciidan geysay lineka Booliska Hargeysa oo ay faasaxday kana iibisay dhawr kamid ah tijaarta waaweyn ee dalka.

Waxa la sheegay in Xukuumaddu doonayso inay qoysaska booliska u badan ee degan xaafadaas ay ka rarto, hase ahaatee waxa is abaabulay oo ciidankii deganaa lineka oo iska difaacay booliskii goobta tagay.

Rasaas xoogle ayaa goobta ka dhacday, balse waxa xukuumaddu dib uga qaaday ciidankii ay geysay markii ciudan iyo shacab gadoodsani ka hor yimaadeen.

Ilaa imika waxa la sheegay in dhaawac jiro, hase yeeshee may xaqiijin ciidanka Booliska iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse oo sifo sharci darro ah oo aan loo tartamin ah xaraashaysa dhulka iyo guryaha Dawladda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this