Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Looga Hadlayay Ammaanka Koonfur Galbeed oo Lagu Qabtay Degmada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Booliska maamul goboleedka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo iyo sidii ciidanka iyo shacabku u wada shaqeyn lahaayeen.

Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobalka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobalka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka xarunta dambi Baarista ee CID

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana sidoo kale deegaannada maamulkaas ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo loogu diyaar garoobayo dagaalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this