Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Cumar oo war lama filaan ah kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
Ilhan-Ilhaan-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalk Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo Israel, kaas oo galay maalintii 3-aad oo xiriir ah, isla-markaana geystay khasaare xoogleh.

Ilhan Cumar ayaa si lama filaan ah uga hadashay dagaalkan, ayada oo cambaareysay weerarka culus ee ay Xamaas ku qaadday Israel.

Sidoo kale waxa ay wax laga argagaxo ku tilmaamtay ‘in la laayo dadka aan hubeysneyn iyo afduub ay sheegtay inay gaysteen dagaalyahanada Xamaas.

Waxaa kale oo ay ugu baaqday in labada dhinac ay dejiyaan xaaladda, kadibna ay sameeyaan xabad-joojin, si loo joojiyo dagaalka iyo dumaha ka socda halkaasi.

Ilhan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in dhankeeda ay sii wadi doonto u dhaq-dhaqaadida nabada iyo cadaalada barriga dhexe.

Gabadhan xildhibaanada ah ee laga soo doorto Minnesota ayaa horey loogu eedeeyay Israel naceyb, iyada oo markaas loo arkayay nay taageerto Falastiiniyiinta, balse warkan ayaa dad badan layaab ku noqotay, maadaama ay ka hortimid guusha Ururka Xamaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhimashada dagaalka ay korortay, ayna gaartay dhanka Israle 700 oo qof, halka laga dhaawacay in ka badan 2,000 oo kale.

Waxaa sidoo kale nolosha lagu qabtay askar iyo saraakiil u dhashay Israel, ayada oo jiraan shacab badan oo u gacan galay kooxda Xamaas.

Falastiin ayaa dhankeeda dhimashada waxaa lagu qiyaasay 413 qof oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo ku dhintay duqeymo ay ciidamada Israel fuliyeen kadib weerarka lagu qaaday.

The post Ilhan Cumar oo war lama filaan ah kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this