Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Duduble oo hal arrin ka codsatay dadka uga sugan gudaha Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
beesha-duduble.png?fit=896%2C468&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Beesha Duduble ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeysay shir uga socday shan maalmood, kaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii loo xoreyn lahaa deegaanada beesha ee bariga gobolka Galgaduud oo Shabaab ay heystaan.

Beesha ayaa soo saartay bayaan ka kooban sagaal qodob oo looga hadlay qorshaha xoreynta deegaanada beesha Duduble ay ka degaan Galgaduud.

Ugu horeyn war-saxaafadeedka beesha ayaa lagu sheegay in shirkaan lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb looga heshiiyey dhamaan wixii khilaafaad ahaa eek a jiray gudaha beesha.

“Intii uu shirkaan socday waxaa ‘looga tashaday aayaha, midnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa xoreynta deegaanada ay Shabaab ka heystaan beesha Duduble,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka.

Senator-ka beesha Duduble, ahna wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban ayaa hoggaaminayey shirkaan, waxaana bayaanka ka soo baxay qodob ka mid ah farriin loogu diray dadka ka soo jeeda beesha Duduble ee ku sugan dhulka uu Shabaab joogo.

“Walaalaha ka dhashay beesha Duduble ee ku nool deegaanada ay Shabaab ku dhuumaaleystaan, waxaan ka codsaneynaa inay isaga fogaadaan Khawaarijta, maadaama dagaalka kooxda loo adeegsa doono cudud ciidan oo aad u culus,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaanka.

Beesha Duduble ayaa bayaankaan ku cadeysay inay ku heshiiyeen in la abaabulo ciidamo deegaanka ah, si ciidamada qaranka loogu garab siiyo dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan si buuxda u garab taaganahay dagaalka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha Duduble,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha kale ee beesha Duduble ka dhashay ee dagaalka aan soo gelin ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku soo biiraan halganka deegaanada beesha looga xoreynayo Al-Shabaab, sidoo kale waxaa bayaankaan loogu tacsiyeeyey ciidankii iyo masuuliyiintii beesha looga dilay dagaalkii Ceel-lahelay.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Beesha Duduble oo hal arrin ka codsatay dadka uga sugan gudaha Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this