Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Secret Visit of CIA members to Hargeisa

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo nooceedu yahay 24, isla markaana ay la socdeen laba sarkaal oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kormeerayaasha ciidammada Maraykanka ee ilaaleeya dhaqdhaqaaqyada argagixisada Gobolka Geeska Afrika, ayaa si lama filaan ah abbaaro 4:00 galabnimo ee maalintii Salaasadii u soo cago dhigatay Madaarka magaalada Hargeysa.

 

Ma jiraan warar xaqiijinaya ujeedada socdaalka labada sarkaal ku yimaaddeen Somaliland oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda.

 

Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi oo u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqyada Madaarka Egal International Airport, waxa markii ay soo fadhiisatay diyaaradda sidday labada sarkaal Madaarka ugu yimi saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland, kuwaas oo markiiba u soo qaaday dhinaca magaalada.

 

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn goobta loo qaaday labada sarkaal iyo cidda ay la kulmeen toona, haddana sida ilahaasi tibaaxeen waxa loo badinayaa in loo qaaday dhinaca Madaxtooyada.

 

Diyaaradda siday saraakiisha ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo la sheegay inuu leeyahay muwaadin reer Somaliland oo deggan dalka Kenya oo magaciisa la yidhaahdo Captain Xaaji Faarax, ayaan la ogeyn halka ay ka yimaaddeen labada sarkaal, haseyeeshee sida ay noo xaqiijiyeen dad goob-joog ah waxa ay laba saacadood kadib markii dib ugu duuleen dhinaca dalka Jabuuti.

 

Dhinaca kale, iyada oo uu muddooyinkan dambe si weyn isu soo tarayey xidhiidho aan weli kala caddayn oo u kala socday dawladda Maraykanka iyo Somaliland, kuwaas oo si xidhiid ah isu daba socday intii ka dambaysay safarkii horraantii sannadkan Madaxweyne Rayaale ku tagay dalka Maraykana, kaas oo waxyar kadib safar jawaab celin u ah socdaalka Md. Rayaal ay Somaliland ku timi Mrs. Jandeyi Frazer oo ah Kaaliyaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And somehow this will help in your recognition?

 

By these actions, somaliand will bring the conflict in the far south in it's door step, all on its own.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Faan weynaa ,,, bring it on old boy

Maka taqaan nin wax iska celiin kara... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this