Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ka badan 2000 kun oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Afgaanistaan

Recommended Posts

Deeq A.   
heraat.webp?resize=770%2C433&ssl=1

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada xoogga badan ee galbeedka Afgaanistaan ayaa lagu qiyaasay 2000 oo qof, sida uu ka dhawaajiyay hoggaamiye sare oo ka tirsan Taliban .

Suhail Shaheen, oo ah afhayeenka Taliban ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa Al Jazeera u sheegay in ay socdaan howlogurmad ah oo lagu badbaadinaayo dadka ku go’doonsan burburka dhismayaasha hoostooda.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo la garsiiyo dadka ku waxyeeloobay dhulgariirkaasi,wuxuuna ka codsaday ganacsatada gudaha iyo hay’adaha samafalka inay u gurmadaan dadka dhibaateysan.

Qaramada Midoobay ayaa goor dambe oo sabti ah sheegtay in tirada dhimashada ay gaareyso 320, , halka Bisha Cas ay sheegtay in 500 oo qof ay dhinteen.

Dhulgariirkaan oo o cabirkiisu ahaa 6.3 ayaa ku dhuftay meel 40 km u jirta magaalada Herat oo dhacda waqooyi-galbeed,kaas oo saameeyay ilaa lix tuulo.

PUNTLAND POST

The post Dad ka badan 2000 kun oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Afgaanistaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this