Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Xamas Oo Ka Dagaalameysa 22 Goobood oo Gudaha Israa’iil Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka ciidamada Israa’iil iyo dagaal-yahannada Xamas ayaa sii socda saaka oo Axad ah, ayada oo boqolaal qof ay ka dhinteen kadib weerarkii lama filaanka ahaa ee Sabtidii lagu qaaday Yahuudda.

Kooxda Xamas ayaa ayaa weerar cirka dhulka iyo badda ah ku qaaday Israa’iil Sabtidii, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sheegeen in la dilay in ka badan 300 oo Israa’iiliyiin ah, islamarkaana 1,000 kale ay dhaawac yihiin.

Mas’uuliyiinta Gaza ayaa iyagana sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku hayso magaalada ay ku dhinteen 232 qof oo shacab ah, islamarkaana in ka badan 1,700 ay dhaawac yihiin.

Dagaalka ayaa saaka oo Axad ah wuxuu ciidamada Israa’iil iyo boqolaal dagaal-yahannada Xamas ah ku dhex-marayaa 22 goobood oo gudaha Israel ah, oo ay ku jiraan laba goob oo dagaal-yahannada reer Falastiin ay ku haystaan shacab Yahuud ah.

“Waxaa weli jira 22 goobood oo aan kula dagaalameyno argagixisada soo gashay Israel,” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht.

Xamas ayaa baahisay muuqaallada dad badan oo Israeli ah oo ay afduubteen, waxaana ciidamada Israa’iil ay xaqiijiyeen in dadka la afduubtay ay isugu jiraan askar iyo shacab.

Hetch ayaa sheegay in labada goobood ee dadka lagu haysto ay kala yihiin Beeri iyo Ofakim oo ah deegaanno Yahuuddu degan yihiin oo dhaca bariga Gaza.

“Waxaan guda galeynaa dagaal dheer oo adag oo uu nagu qasbay weerarka dhimashada badan ee Xamas,” ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sidaas ku ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta X, ee horey loogu yaqiin Twitter.

“Marxaladda koowaad waa dhammeynta waqtigan ayadoo la burburinayo inta badan ciidammada cadowga ah ee dhulkeenna soo galay.”

“Xilligan, waxaan billownay duullaan socon doono isaga oo aan xaddidaad iyo kala joogsi laheyn illaa aan uga guuleysano hadafyadeenna. Waxaan muwaadiniinta Israa’iil usoo celin doonnaa amniga, waana guuleysan doonnaa,” ayuu yidhi Netanyahu.

Dagaalka — oo yimid qarni kadib dagaalkii 1973-kii ee Israel iyo Carabta — ayaa horseeday in Israa’iil ay korontada, shidaalka iyo sahayda cunto ka jarto Gaza, sida uu sheegay Netanyahu.

Ayada oo Golaha Ammaanka ee QM uu ku baaqay kulan deg deg ah Axadda maanta ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray “taageero adag oo xooggan” oo ay siin doonaan Israa’iil, wuxuuna “uga digay cid kasta oo cadow ku ah Israa’iil inay ka faa’iideysato xaaladda.”

Xamas ayaa weerarka ku magacowday “Howlgalka Daadka Al-Aqsa” waxayna ugu yeedhay “dagaalyahannada iska caabinta ah ee ku sugan Daanta Galbeed” iyo sidoo kale “dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka” inay ku soo biiraan dagaalka.

Garabkeeda hubaysan ee Guutada Cizu Diin al-Qassam, ayaa sheegay inay rideen in ka badan 5,000 oo gantaal, halka Hecht uu sheegay in Israa’iil ay tirisay in ka badan 3,000 oo gantaallo ah oo kusoo dhacay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this