Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Sanaag iyo Booliska oo ka Hadlay Shaqaaqo xalay ka Dhacay Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Sanaag iyo Booliska oo ka Hadlay Shaqaaqo xalay ka Dhacay Ceerigaabo

Ceerigaabo,(Qaran news)- Maamulka gobolka Sanaag iyo ciidanka booliska ee gobolkaasi ayaa sheegay magaalada Ceerigaabo tahay nabadgelyo isla markaana aanay jirin wax halis ku ah ammaanka gobolka.

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay xalay koox shufto ah oo khamriileyaal ahi ay soo weerareen ciidanka booliska isla markaana ciidanku iska difaaceen weerarkaasi.

Badhasaabku wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin waxyaabaha been abuurka ah ee laga faafinayo magaalada.

Taliyaha booliska Gobolka gaashaanle dhexe Muuse Xasan Kaahin ayaa sheegay in magaalada ay degan tahay isla markaana aan la ogolayn in khamri lagu dhex arko magaalada, wuxuuna tilmaamay in werarkaasi ay jiraan dhawr askari oo ku dhaawacmay.

Taliyuhu wuxuu ugu baaqay shacbiga reer Cerigaabo midnimo iyo inay wada ilazliyaan nabadgelyada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this