Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Muuse Biixi oo wada Olole weyn oo ay ku xaraashayso Dhulka danta gud ee Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Muuse Biixi oo wada Olole weyn oo ay ku xaraashayso Dhulka danta gud ee Somaliland.

Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ku gudo jirta xiliga kala guurka ee la sugayo sannadka dambe ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada, ayaa wada olole balaadhan oo ay ku faasaxayso dhulka danta guud.
Waxa la sheegay in xukuumaddu ay ku wargelisay qoysaska ciidanka u badan ee degan Laynka bilayska ee Hargeysa inay ka baxaan guryahaas oo la siin doono jago iyo qadar yar oo lacag ah oo ay saluugsan yihiin.
Sidoo kale waxa la sheegay in goobaha la iibinayo ee xukuumadda Muuse xaraashayso ka mid ah laanta koowaad ee baanka u dhow khayriyada Hargeysa.
Sidoo kale waxay sanadkii u dambaysay iibisay guryo badan oo dawladeed, iyadoo lacagihii lagu iibiyayna aan lagu darin khasnadda dawladda iyo miisaaniyada midna.
Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa in madaxweyne Muuse oo aan wax yiddidiilo ah ka qabin in dib loo doortaa uu sifo sharciga baalmarsan u iibinayo hantida Qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this