Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo ka Hadlay Barakicin Lagu samaynayo Dadka Degan Laynka Booliska oo la Iibinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo ka Hadlay Barakicin Lagu samaynayo Dadka Degan Laynka Booliska oo la Iibinayo

IMG-20231008-WA0008.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa Xukuumadda ugu baaqay in aanay boob iyo xaraash ku baro kicin dadka degan Laynka Booliska Hargeysa.

Qoraal uu soo saaray ayaa u qornaa sidan:-

“Waxa hadda soo dhammaaday Shir Taliska Boolisku la yeeshay Guddi u badan Ciidan oo ah dadka degen Line-ka Booliska Hargeysa.

Waxa la kala doorran siiyay $10,000 in la siiyo Qoyskii iyo in loo dhiso Guri jiingad 3 Maqsin ah dadka degen dhulka,

Waxa ka biyo diiday Guddida dadka degen Line-ka Booliska nasiibadarro waxa la xidhay laba Sarkaal, waxaanu soo jeedinaynaa in Ciidanka loo celiyo Xorriyadooda Dhulkaasna aan la Xaraashin oo aan lagu barakicin Muwaadiniinta boob iyo Xaraash”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this