Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops working to secure Mogadishu...

Recommended Posts

Ciidamada Booliska Iyo Militariga Qaranka Soomaaliya Oo Maalintii Labaad Hawlgalo Amni Sugid ah Ka Wada Caasimadda.

Posted to the Web Apr 29, 04:55

 

MOGADISHU: Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya, ayaa maalintii labaad Hawlgalo amaan sugid ah ka wada Magaalada Muqdisho, ka dib Dagaalo qaatay 8 cisho oo Caasimadda ka dhacay.

Ciidamadan oo isugu jira Militari iyo Booliska Qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa la dhigay dhammaan Isgoysyada Magaalada, iyagoona si daran u baaraya Gawaarida yar yar iyo kuwa BL-ka ee isaga kala goosha Xaafadaha Muqdisho.

 

Hawlgalka ugu ballaaran ee ay Ciidamada wadaan ayaa waxa uu ka socdaa Suuqa Soomaaliya ugu weyn ee Bakaaraha, waxaana caadi kusoo noqday dhaq-dhaqaaqyadii ganacsi ee suuqaasi ka jiray ka dib markii ay saameyn ku yeesheen Dagaaladii lagu riiqmay ee ka dhacay Caasimadda.

 

Dowladda KMG oo taageero Militari ka heleysa Ciidamada Ethiopia ayaa si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta Caasimadda laba maalin ka hor, iyadoona Mas'uuliyiinta Dowladda ay ugu baaqeen Kumanaanka qoys ee ka cararay Dagaalada in ay guryahooda si deg deg ah ugu soo laabtaan.

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

Puntlandonline.com

 

Muqdisho

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this