General Duke Posted April 29, 2007 Ciidamada Booliska Iyo Militariga Qaranka Soomaaliya Oo Maalintii Labaad Hawlgalo Amni Sugid ah Ka Wada Caasimadda. Posted to the Web Apr 29, 04:55 MOGADISHU: Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya, ayaa maalintii labaad Hawlgalo amaan sugid ah ka wada Magaalada Muqdisho, ka dib Dagaalo qaatay 8 cisho oo Caasimadda ka dhacay. Ciidamadan oo isugu jira Militari iyo Booliska Qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa la dhigay dhammaan Isgoysyada Magaalada, iyagoona si daran u baaraya Gawaarida yar yar iyo kuwa BL-ka ee isaga kala goosha Xaafadaha Muqdisho. Hawlgalka ugu ballaaran ee ay Ciidamada wadaan ayaa waxa uu ka socdaa Suuqa Soomaaliya ugu weyn ee Bakaaraha, waxaana caadi kusoo noqday dhaq-dhaqaaqyadii ganacsi ee suuqaasi ka jiray ka dib markii ay saameyn ku yeesheen Dagaaladii lagu riiqmay ee ka dhacay Caasimadda. Dowladda KMG oo taageero Militari ka heleysa Ciidamada Ethiopia ayaa si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta Caasimadda laba maalin ka hor, iyadoona Mas'uuliyiinta Dowladda ay ugu baaqeen Kumanaanka qoys ee ka cararay Dagaalada in ay guryahooda si deg deg ah ugu soo laabtaan. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho Indhojaceel2003@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites