Deeq A. Posted October 8, 2023 Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa haatan bannaanka usoo baxay khilaaf u dhexeeya maamul goboleedka HirShabelle iyo dowladda federaalka, gaar ahaan hay’adda SoDMA, kuwaas oo isku qabtay arimo la xiriira howlaha gargaarka ee ay fuliso hay’adda Maareynta. Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo marareynta musiibooyinka HirShabelle, Mudane Cumar Maxamed Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa shaaca ka qaaday in xiisaddan ay salka ku heyso gaabis ka jira dhanka gargaarka ee deegaanada HirShabelle. Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha hay’adda SoDMA, isaga oo ku dhaliilay inay hay’addu ka gaabisay u gurmashada dadka ku dhibaateysan Shabeelaha Dhexe. “Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka howlaha ay ka waddo HirShabelle aad iyo aad ayaan u dhaliilaa, sababtoo ah ma aragno wax gargaar ah oo ay soo gaarsiiso gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan dadka ku dhaqan jinka wabiga oo ay fataahada saameeyeen, illaa iyo hadda ma aragno wax gagaar ah” ayuu yiri Wasir Cumar Maxamed. Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in HirShabelle ay kamid ah tahay meelaha sida weyn looga digay, maadaama ay kusoo wajahan yihiin dabeylo xoogan fatahaado, balse waxa uu sheegay inay dowladda federaalka indhaha ka qabsato xaalada ka jiran Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “SoDMA waxaa leeyahay howlihii looga baahnaa inay ka qabato guud ahaan HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe, siiba meelaha hadda looga cabsi qabo ee digniinada laga bixinaayo ama dhibaatooyinka ay ka taagan yihiin wabiga jinkiisa waayay wax howl ah oo ay ka wadaana aniga illaa iyo hadda ma arag” ayuu hadalkiis sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in qoysas badan oo daganaa hareeraha wabiga ay barakaceen, isla-markaanat ay gaareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Waxaa jira dad ka barakacay guryahooda qaar waxay u barakaceen dhanka Jalalaqsi, qaar kalena degmada Mahadaay, sidoo kale fatahaadda waxa ay saameyn ku yeelatay dalaga beeraha,” ayuu hadalkiisa kusoo gagabeeyay wasiir ku xigeenka gargaarka HirShabelle. Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga digayaa inay ku dhufato duufaanta Elnino, maadaama la sheegay inay dalka kusoo food leediihiin roobab dabeylo wato iyo duufaano xoogleh.The post Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday DF iyo HirShabelle appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites