Che -Guevara Posted January 18, 2008 Would it help or hurt the Somali cause. Kooxda Al Shabaab oo sheegay in ay Weerari doonaan Caasimadaha dalalka Itoobiya Burundi iyo Ugandha Last Updated::2008-01-18 18:38:20 TopStoryMuqdisho(HRNet):-Kooxda la baxday Al Shabaab ee ka dagaalanta magaalada Muqdisho ayaa warbixin ay ku daabaceen Website islaami ah ku sheegay in ay weeraro ku qaadi doonaan caasimadaha dalalka Ciidamada usoo diray dalka Soomaaliya ee xubnaha ka ah Midowga Afrika. Warbixintan lagu daabacay Bog qoraalada ee websiteka http://ek-ls.org ( oo laga leeyahay Florida, dalka Maraykanka) Ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxayna kooxdan sheegtay in ay ka aargoosan doonto dowladaha iyo dalalka ay kasoo jeedaan ciidamadan. "...khasaaro walba oo ka dhaca Muqdisho waa in ay la qeyb sadaan dadka ku dhaqan Caasimadaha Itoobiya, Burundi iyo Ugandha..." ayaa lagu yiri qoraalkan ka yimid kooxda Al Shabaab. Waxay Sidoo kale kooxda dhaliiceyn dusha uga tuurtay Kooxda Asmara oo ay ku sheegeen kuwo aan matalin mawqifkooda isla markaana ah basaasin loo soo diray, waa sida ay hadalka u dhigeenee. Kooxdan ayaa sheegtay in ay xaq u leeyihiin in ay dhibaato u geystaan cid alaale oo ayaga dhibaato u geysta, waxayan sheegeen in ay fulin doonaan hawlo ka dhan ah dalalka hada ciidamada ay ka joogaan magaalada Muqdisho. Waa markii ugu horeysay oo ay kooxda si toos ah u sheegto in ay weeraro ka fulin doonaan dalal ka baxsan dalka Soomaaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted January 19, 2008 Kuwani ma gaastey cabaan? I think this is xabash propaganda, but if its true, its even dumber then indhacades jihad comments. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 19, 2008 They are nothing more than bullies who are now being bullied, hence all the different causes. Che, again you provide great news. They can not hold Mogadishu, thus they will attack Addis & Kampala. Great stuff. Quote Share this post Link to post Share on other sites