Sign in to follow this  
Deeq A.

Badhasaabka Saaxil oo Booqday Taliska Guud ee Ciidanka Dab-demiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Badhasaabka Saaxil oo Booqday Taliska Guud ee Ciidanka Dab-demiska
IMG-20231007-WA0007.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Casse ayaa maanta booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka Dab-demiska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Waxaana halkaa ku qaabilay kuna soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo sii xoojin lahaa horumarinta ciidanka Dabdemiska magaalada Berbera.

Badhasaabka ayaa ka mahadnaqay soo dhawayntan waxaanuu sheegay in ciidanka Dabdemiska Berbera kaalin muhiima ugu jiraan gobolka, isla markaana uu sii xoojin doono horumarka ciidanka.

Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay Xoghayaha guud Ibraahim Suldaan , Hogaanka Maaliyada Amran Axmed Baashe, Hogaanka Hawlgelinta Cabdifataax Maxamed Xaashi iyo Hogaanka Hawlaha Cabdicasiis Axmed Cilmi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this