Deeq A. Posted October 8, 2023 Ciidamada booliska ee Ceerigaabo ayaa baacsaday dableydii xalay weerartay mid ka mid ah saldhigyada Booliska ee magaaladaasi Waxa la sheegay in shacbiga reer Ceerigaabo oo taageero siinaaya ciidanka boolliska ay ka adkaadeen kooxdaasi weerartay saldhiga booliska Waxa kaloo warku intaas ku daray inuu jiro dhaawac aan tiradiisa la xaqiijini oo loo gaystay ciidanka Booliska ee Somaliland Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxda weerartay ciidanka Booliiska ee Somaliland iyo khasaaraha iyaga soo gaadhay. Magaalada ayaa hada degen mana jiraan wax rasaas ah oo hada socotaa Wixii war ah ee ka soo kordha la soco Qaran News Share this post Link to post Share on other sites