Sign in to follow this  
Deeq A.

Saylici oo Shahaadooyin Gudoon Siiyay Arday ka Aflaxday Jaamacada ALFA

Recommended Posts

Deeq A.   

Saylici oo Shahaadooyin Gudoon Siiyay Arday ka Aflaxday Jaamacada ALFA
IMG-20231007-WA0009.jpg

IMG-20231007-WA0008.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Madaxwayne ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Jaamacada Alfa kala qayb galay xaflada Qalin jabinta dufcadii 12-aad ee ka baxda Jaamacaddaasi.

Munaasibada loo qaybtay qalinjabinta ardayda ka baxday Jaamacada Alfa, waxa ka soo qayb galay, waalidiin, xubno ka mida golaha wasiiradda, xildhibaano, maamulka iyo macalimiinta Jaamacada iyo mudan iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa maamulka Jaamacada Alfa, waalidiinta iyo macalimiinta uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen ardayda maanta qaalinjabisay, waxaanu ardayda ku booriyay in ay geedigooda waxbarashada sii wadaan, sidoo kale waxa uu ka codsaday inay bulshada dib ugu celiyaan wixii ay barteen, waxaanu ardayda u rajjeeyay mustaqbal wanaagsan, waxaanu ku adkeeyay inay ka dhabeeyaan dadaalkii ay mudada dheer soo wadeen.

Guddoomiyaha guud ee Jaamacada Alfa, Axmed Maxamed Diiriye, ayaa ku boggaadiyay ardayda waxbarashadda ay dhammeysteen, waxaanu kula dardaarmay inay la yimaadaan hal abuur ay kaga baxaan shaqo la’aanta, waxaanu cadeeyay in ardayda maanta qalinjabisay ay buuxiyeen dhammaanba shuruudihii looga baahnaa.

Gaba-gabadii masuuliyiintii kala duwana ee ka soo qayb galay qalinjabinta ardayda ka baxday Jaamacada Alfa ayaa ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay markasta u kala duwan yihiin qofka waxbartay iyo ka aan wax baran, una hanbalyeeyay guud ahaan ardaydii maanta qalinjabisay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this