Sign in to follow this  
Deeq A.

Gantaalo hor leh oo lagu weeraray Israa’iil iyo tirada dhimashada iyo dhaawacyada oo sare u kacday

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4827.jpeg?fit=624%2C415&ssl=1

Qudus (Caasimada Online) – Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee Israa’iil kasoo gaaray weerarkii ay ku qaaday Xamaas ayaa sare u kacday, sida ay ku soo warameen weriyaal ku sugan Qudus.

Weriye Muhannad Tutanji oo ku sugan Qudus ayaa sheegay in tirada Israa’iil uga dhimatay weerarradaas ay gaartay 150 iyo dhaawac 1,000 qof oo kale.

Dadka ku dhaawacmay weerarada Xamaas ee ka soo jeeda Israa’iil waxaa ku jira kuwo uu xaalkoodu liito, waxaana la filan karaa in khasaaruhu sii kordho.

Weriyaha ka soo waramay Qudus ayaa intaas raaciyay in magaalada uu weerarkaasi ka dhacay ee Qudus ay dhibaato badan soo gaartay, kadib 150 gantaal oo looga soo ganay dhanka Gaza.

Weriyahaan ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dib u qabsadeen dhowr saldhig milatari oo ay saakay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Xamaas.

Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan ayaa waxaa uu lahaa labo weji.

Tobaneeyo nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil.

Raggan hubeysan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay qalabka bixiya digniinaha, rag hubeysan oo mootooyin wata ayaa gudaha u galay Israa’iil, waxayna warar ku ekeeyeen in ka badan 20 goobood.

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in 35 askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay, balse maamulka Israa’iil waa ka gaabsaday arrinta afduubka la sheegay in ay Xamaas geysatay.

The post Gantaalo hor leh oo lagu weeraray Israa’iil iyo tirada dhimashada iyo dhaawacyada oo sare u kacday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this