Deeq A. Posted October 7, 2023 Baydhaba (Caasimada Online) –Guddoomiyaha maxkamadda darajda koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta Baydhaba uga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiray askar cusub ayaa hal arrin uga digay ciidamada. Shuute ayaa ciidanka uga digay inay iibsadaan ama lumiyaan qoriga ay siiso dowladdu, isagoo u cadeeyey in halka qori ee dowladdu siiso hadii uu gacantiisa ka baxo uusan ku magi karin 10 qori oo kale. Guddoomiye Shuute ayaa arrintaan ku macneeyey inay ka mid tahay dhaqanka ciidamada dowladda, si adag ayuu uga dardaarmay ilaalinta anshaxa iyo qaadashada amarka saraakiisha. Wuxuu sheegay in qori kasta uu dowladda u leeyahay lambar ay ku aqoonsato, sidaas darteed halka qori ee dowladda u diiwaan gashay wuxuu sheegay inuu ka qaalisan yahay 10 qori oo cusub. “Maanta tababarkii waa idiin dhamaaday, waxaa la idin siinayaa hub, ilaaliya hubka oo xafida, ha dayicin, hana lunsan hubka dowladda, dayac tiro iskuna ilaali, ku difaac dalka, diinta iyo dadka,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ciidanka ku war-geliyey inuu bilowday dagaal kama dambeys ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo ku amaanay go’aanka ay ku qorteen ciidamada qaranka. Dhanka kale, markii ciidankaas tababarka loo soo xiray kadib Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka. Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka, gudoomiyaasha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegnada Koonfur Galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Khawaarijta oo dhibaato ba’an ku haysa dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Shuute The post Daawo: Shuute oo hal arrin uga digay ciidamada qaranka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites