Sign in to follow this  
Deeq A.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay booqashada hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4807.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa Jimcihii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib casuumaad rasmi ah ii uu ka helay madaxda dowladda federaalka.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo keentay inay ka caroodaan xildhibaan kasoo jeeda Somaliland.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Haddaba sidee looga faceliyay booqashada hoggaamiyaha SSC ee magaalada Muqdisho?

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay imaashaha hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ee magaalada Muqdisho, waxayna intooda badan soo dhaweeyeen in lagu casuumo gudaha caasimada.

Mid kamid ah waxgaradka Muqdisho oo ka falceiyay arrintan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay SSC u aqoonsato maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

‘Waxaan leeyahay SSC-Khaatumo ma’ahn hal qabiil waa isbaheysi Soomaaliyeed, dowladda federaalka waxaan ugu baaqayaa in Khaatumo State maamul inay u aqoonsato, kana mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri nin oday oo la halday Five Somali Tv.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa  sii raaciyay “Walaalaha Soomaaliyeed ee Isaaq waxaan ugu baaqayaa in daris wanaag lagu wada noolaado, nabadna wala wada qaato”.

Sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo isna la hadlay TV-ga ayaa soo dhaweeyay wadahadalka dowladda federaalka iyo SSC ee haatan ka bilaabanaya magaalada Muqdisho.

“Waan soo dhaweynayaa arrinta ku saabsan wada-hadalka Khaatumo State oo Soomaaliya ugu yeertay magaalada Muqdisho, waana arrin mar hore loo baahnaa, sababtoo ah midnimada Soomaaliya waa mid u baahan in mar walba laga shaqeey” ayuu isna yiri.

Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu soo gaaro hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, si uu ula hadlo dowladda Soomaaliyeed.

“Aada iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, maadaama Laascaanood ay ka dhaceen dhibaatooyin badan shacab badana ay ku dhamaadeen” ayuu yiri wii kale.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

The post Falcelin xoogan oo ka dhalatay booqashada hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this