Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo wasiiradiisa la yeeshay SHIR deg deg ah iyo laba arrin oo ka soo baxday

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4815.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan xubnaha golaha wasiirrada Galmudug.

Ugu horreyn shirka waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Maxamed Gaboobe.

Sidoo kale, kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Senator Farxaan.

Golaha wasiirrada warbixinadii lasiiyey kadib dood dheer ka yeeshay odoroska miisaaniyadeed ee sanadka soo socda, waxaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka ee Galmudug.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Guddiyadaas ayaa ka howlgali doona aagagga dagaalka, sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda Galmudug ee 2024-ka.

Kulankaan waa kii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Galmudug, kadib muddo laba bilood ah oo ay hakad ku jireen kulamada caadiga ah ee golaha wasiirrada maamulkaas, xaaladda dagaal awgeed.

Sidoo kale kulankaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu markii ugu horeysay Muqdisho ku laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba bilood deganaa Dhuusamareeb, sidoo kalena shir guddoon ka ahaa kulankii lagu hakiyey kulamada caadiga ah ee golaha wasiirada Galmudug, inta uu socdo dagaalka Al-Shabaab.

IMG_4817.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4816.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4815.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4818.jpeg?resize=696%2C975&ssl=1 IMG_4820.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4819.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4821.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4823.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4824.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4826.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4825.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Qoor Qoor oo wasiiradiisa la yeeshay SHIR deg deg ah iyo laba arrin oo ka soo baxday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this