Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Laftagareen? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
386759052_886802799677439_53449834263538

Baydhaba (Caasimada Onine) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhowaan ku laabtay Baydhaba, kadib safarkiisii magaalada Nairobo ayaa haatan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Madaxweynaha ayaa maanta guddoomiyaya shir ballaaran oo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo iyo ciidamada ATMIS, kaas oo looga hadlayay ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka iyo Gudoomiyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo haatan ku sugan caasimada KMG ah ee Baydhaba.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid looga arrinsanayay u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, gaar ahaan gobollada maamulkaasi.

Laftgareen oo madasha ka hadlay ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Al-Shabaab oo la aamisan yahay inay ku xoogan yihiin gobollada maamulkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shalay ciidamo cusub tababar ugu soo xiray magaalada Baydhaba, kuwaas oo iyaguna loo diyaariyay amniga iyo la dagaallanka kooxda Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Koonfur Galbeed wajaheyso xiisad ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.

Muranka doorashada ayaa haatan sii xoogeystay, kadib markii ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo bilaabeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

386756571_886803109677408_35062173174412

The post Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Laftagareen? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this