Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed maanta ka qarxay hawdka degmada Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696695108498.jpg?resize=715%2C47

Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta ka qarxay balliga Maska Buqle oo ka tirsan dhulka hawdka ah ee gobolka Cayn.

Laba beeleed oo ka soo kala jeeda magaalada Buuhoodle iyo degaanka Qorilugud ayuu sida la sheegayo dagaalku ka dhex qarxay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka oo sii xoogaystay galabta uu istaagay goor danbe oo makhribkii ah.

Weli faahfaahsan sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka marka laga reebo sheegashada labada dhinac.

Sidoo kale ilaa iyo hadda lama sheegin cid kala dhex gashay dhinacyada dagaallamay oo weli is horfadhiya islamarkaana isu hub urursanaya.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed maanta ka qarxay hawdka degmada Buuhoodle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this