Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696677674301.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Sabti ah xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda   Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha  KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta degaanada SSC sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee  jira lagu xalliyo  wada-hadal.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this