Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Joogtada ee Guurtidda oo la kulmay Masuuliyiin ka mid ah Ururrada Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Joogtada ee Guurtidda oo la kulmay Masuuliyiin ka mid ah Ururrada Siyaasadda
IMG-20231007-WA0002.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ayaa la kulmay qaar ka mida mid ah masuuliyiinta ururadda Siyaasadda Ee Dalka.

Guddida iyo xubnaha ka mida ururada siyaasada ayaa intii kulanku socday kawada hadlay arrimo la xidhiidha xeerka doorashooyinka Somaliland ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland, xeerkaas oo mari doona Golaha Guurtida Somaliland, marka uu fadhigoodu furmo.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), oo ku hadlayay afka ururada Siyaasada ayaa sheegay in guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ay kawada hadleen xeerka guud ee Doorashooyinka Somaliland, waxaanu tilmaamay in ay Isfahan buuxa uu ku soo dhammaaday wixii ay kawada hadleen.

Dhankiisana, ku simaha Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, oo ka warbixiyey kulankan ay guddida Joogtada ah ee Goluhu la qaateen qaar kamid ah ururada siyaasadda ayaa sheegay in ay wixii ay wada hadleen ay ugudbin doonaan golaha waynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this