Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Xoolaha oo Tababar ku saabsan Calafka Xoolaha ku qabatay Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Xoolaha oo Tababar ku saabsan Calafka Xoolaha ku qabatay Burco
IMG-20231007-WA0004.jpg
Burco(Qaran news)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, ayaa magaalada Burco ka furtay tabobar ku saabsan wax-soo-saarka calafka xoolaha, sidoo kale waxa lagu faaqidi doona kaydinta calafka xoolaha, maaraynta iyo maamulka dhul-daaqsimeedka.
Tababarkan wax aka qayb qaadan doona dhakhaatiir iyo xubno ka socda maamulka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee gobolladda Sool, Sanaag iyo Tog-dheer.
Madaxa mashruuca Barwaaqo ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hor-u-marinta Kalluumaysiga Dr. Ibraahin Cumar Cismaan, ayaa sheegay in gobol walba ay ka qayb qaadanayaan afar xubnood oo metelayaa, isaga oo kula dardaarmay kasoo qayb galeyaashii tabobarkan in la weeleeyo aqoonta laga barto tabobarkan.
Isu-duwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga Somaliland ee gobolka Tog-dheer Dr. Sayid Cali Rashiid Maxamed iyo Agaasimaha Waaxda wax-soo-saarka ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Mawliid Cismaan Xirsi, ayaa sheegay in tababarkani yahay mid mihiima, waxaanayka qayb galayaasha ka socdeen inay ku dabaqaan sshaqooyinkooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this