Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay isbitaal ku yaalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Dab-Suuqa-Waaheen-Hargeysa.jpeg?fit=1440

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay isbitaalka Martiini ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay qaybta ay daganaayeen Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira isbitaalkaasi, inkastoo mar dambe la damiyay.

Afhayeenka Naafada Xoogga dalka ee Isbitaalka Martiini, Cabdullaahi Maxamed Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gubteen guryihii ay ka daganaayeen isbitaalka Martiini, wuxuuna cod dheer baaq ugu diray dowladda dhexe iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa gubtay naafadii Martiinii ee Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybtii ay ku jireen, waxaan Umadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in nala soo gaaro” ayuu yiri Ducaale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dabkan uu ka dhashay koronto, isla-markaana ay hanti beeleen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa na gubay korontada BECO oo dhibaatadaan noo keentay, iyadaa gubtay guryaha, kuna soo fiirin maayaan, xaq siina malaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ka hadlay mid kamid ah dadka deegaanka oo xaqiijiyay in dabka uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, balse uu jiro mid hantiyeed oo baaxad leh.

“Khasaare nafeed ma jiro, laakin waxaa jiro khasaare hantiyeed alaabtii meesha taalay waa looga kala tegay nin walba nafsaddiisa ayuu la baxay” ayuu isna yiri mid kamid dadka deegaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka kaca dabka, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa shacabka Soomaaliyeed, haba ugu badnaadaanee ganacsatada.

The post Daawo: Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay isbitaal ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this