Deeq A. Posted October 7, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye oo xalay ku hoyday magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Firdhiye ayaa kulamo hordhac ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare XamXa Cabdi Barre, Taliyaha Booliiska, Xildhibaanno & mas’uuliyiin kale. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku aadan ujeedka safarka uu shalay Muqdisho kusoo gaaray hoggaamiyaha SSC iyo xaaladaha ka taagan Laascaanood. Sidoo kale labada dhinac ayaa is weydaarsaday xogo ku aadan sidii horay loogu dhaqaajin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, dowladduna ay u qaadan laheyd doorkeeda, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Firdhiye uu dowladda dhexe kala kala xaajoon doono mustaqbalka SSC-Khaatuma oo ku dhowaaqday inay tahay maamul madax-banaan. Isaga oo ka hadlayay soo dhaweyntii Jimcihii shalay loogu sameeyay Xamar waxa uu tilmaamay in Muqdisho ay tahay xudunta ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay mas’uuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin dowladdu. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo is jecel, laakiin ay kala jarayaan siyaasiyiin ka dhex arka dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. “Muqdisho waa gurigeena, galabta markii gurigeyga la igu soo dhaweeyey waxaan dareemay qiimo gaar ah, hadii aan naloo yeerin waxaa noo qorsheysneed inaan imaano Muqdisho,” ayuu ku yiri hadal kooban uu uu shalay jeediyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo. Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.The post Hoggaamiyaha SSC oo kulamo ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites