Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: BALCAD oo lagu qabtay gaari ku soo jeeday Muqdisho oo siday….

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaari.png?fit=766%2C382&ssl=1

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gaari Layla Calaawi oo siday maandooriyaha Xashiiska, kaas oo kusii jeeday dhanka magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo kasoo baxay deegaano dhaca jinka wabiga Shabelle ayaa lagu qabtay koontaroolka Balcad, ayada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay saddex nin oo la socotay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad, Xuseen Macallin Cabdulle oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qabtay gaariga iyo ragga waday, wuxuuna aad u boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ee sameeyay howlgalkaasi.

Xuseen Macallin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xashiishka lagu soo dhex qariyay khudaar, isla-markaana la doonayay inay loo soo gudbiyo gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaa ammaan mudan ciidankii howshan kasoo shaqeeyay oo ma hurdayaasha ahaa, waxaa xalay Xashiishkan lagu qabtay iyo saddexdaan rag ah degmada Balcad, waxay soo dhex-geliyeen Khudaar” ayuu yiri Taliyaha booliska Balcad Xuseen Macallin Cabdulle.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee maamulka degmada Balcad Ismaaciil Barre Nuur oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Balcad aysan noqon doonin waddo Muqdisho loo soo mariyo maandooriyaha ama wax kasta oo halis ku ah bulshada.

Barre ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalka, isla-markaana la shaqeeyaan dadka shacabka ah, si la’isaga kaashado amniga.

“Ciidamada amniga waxaan leeyahay dadaalkiina sii laba jibaara, si uu amniga u sugnaado, Balcadna aysan noqon in maandooriyaha loo marsiiyo magaalada Muqdisho” ayuu isna yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagaal adag kula jirtay maandooriyaha, waxaana howlgallo culus ay ka socdeen Muqdisho iyo duleedkeeda.

The post Daawo: BALCAD oo lagu qabtay gaari ku soo jeeday Muqdisho oo siday…. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this