Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad cusub oo ka qaraxday Beledxaawo – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Gedo4.jpg?fit=720%2C540&ssl=1

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad cusub ay haatan ka qarxay degmada Beledxaawo, taas oo ka dhalatay isbeddalka ay Jubland ku bilowday maamullada degmooyinka ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maanta isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay waddooyinka magaaladaas, taas oo keentay inay xaaladdu kasii dartay markii ay ciidamadu adeegsadeen rasaas xoogleh.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada rasaasta furay ay taabacsan yihiin guddoomiyaha maamulkaasi, balse ma jiro wax khasaare oo ka dhashay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana is horfadhiya ciidamada iyo shacabka dibadbaxa ka waday degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dhanka kale, xiisad tan lamid ah ayaa ka taagan degmada Garbahaarey, halkaas oo isna laga hor istaaga taliyaha booliska gobolka Gedo oo ay soo magacowday Jubbaland.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka oo ku aadan wararka isa soo taraya ee ka imaanaya degmooyinka Gedo.

Dhowaan ayay aheyd markii uu dhaqan isbeddal ay Jubbaland ku sameysay maamulkii degmada Luuqa, waxaana xilka la wareegay Daahir Muxumed Nuur (Caato) oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub, kadib xaflad todobaadkii hore ka dhacday degmadaasi.

Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa.

The post Xiisad cusub oo ka qaraxday Beledxaawo – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this