Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulanka R/W Xamza iyo hoggaamiyaha SSC + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
386411316_678049561090860_36465307130186

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiyaha kMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhageystay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta magaalada Laascaabood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale Cabdulqaadir Firdhiye ayaa dowladda federaalka uga mahadceliyay casuumaada ay u fidisay iyo sida weyn ee loogu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xamza oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka.

Shirarka ayaa sii socon doono, waxaa ujeedka kulanka maanta uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhaweyn, maadaama ay markii ugu horreysay tahay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu soo gaaro caasimada dalka tan iyo markii lagu doortay gudaha magaalada Laascaanood.

Firdhiye ayaa horay ula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Booliiska iyo mas’uuliyiin kale.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Firdhiye uu dowladda dhexe kala kala xaajoon doono mustaqbalka SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqday inay tahay maamul madax-banaan.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

386399345_678049554424194_35009635828991 386411316_678049561090860_36465307130186 386731066_678049584424191_35940452980102

The post Xogta kulanka R/W Xamza iyo hoggaamiyaha SSC + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this