Deeq A. Posted October 7, 2023 Wararka ka imaanaya dhulka reer Falastiin ayaa sheegaya in kooxda Xamaas ee maamusha marinka Gaza ee go’doonsan ay bilaabeen hawlgal loogu magac daray daadka Al-Aqsa oo lagu bartilmaameedsanaayo ciidanka Israa’iil ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin Waxa la soo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo gaaray dadka Israa’iil,kadib markii kooxda Xamaas ay ku weeraareen kumanaan gantaallo ah. Militariga Israa’iil ayaa ku warramaya in kooxda Xamaas ee Gaza ay gudah u galeen deegaanada ay xoogga ku heystaan Yuhuudda,waxaana jira muuqaallo muujinaya dagaalyahanada oo afduub u haysta 35 ruux oo Israa’iiliyiin ah. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen beegsiga Gaza, iyadoo wasiirka gaashaandhigga uu oggolaaday in loogu yeero ciidamada kaydka militariga. PUNTLAND POST The post Kooxda Xamaas oo gantaalo ku weeraray Israa’iil appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites