Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Ra’iisul wasaare Xamse iyo ku xigeenkiisa Saalax Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231007_091517241.jpg?resize=775

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac.

Wararka ayaa tilmaamaya in khilaafka labada mas’uul uu cirka isku shareeray, kadib markii Ra’iisul wasaare Xamse uu Muqdisho ku casumay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, islamarkaana loo sameeyay soo dhaweyn meeqaam sare leh.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sida la sheegayo isku dayay in uu carqalad ku sameeyo safarka hoggaamiye Firdhiye ee Muqdisho, taas oo uu ku fashilmay, waxaana kadib uu bilaabay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Ra’iisul wasaare Xamse.

Wararka ayaa tibaaxaya in sidoo kale Xamse iyo Saalax is dhaafsadeen hadallo kulul, islamarkaana uu meesha ka baxay xiriirkii wada-shaqaynta labada dhinac, iyadoo xubno ka tirsan golayaasha dowladda ay la kala safan yihiin labada mas’uul.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Ra’iisul wasaare Xamse iyo ku xigeenkiisa Saalax Jaamac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this