Sign in to follow this  
Deeq A.

Azerbaijan oo gacanta ku dhigtey madaxweynihii is magacaabey ee Nagorno-Karabakh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Azerbaijan)-Laamaha amaanka dalka Asarbijaan ayaa soo bandhigay sawirada madaxweynihii hore ee isku magacaabay gobolka ay ku xooganayaayeen goono goosatada Armeeniyiintu ee Nagorno-Karabakh, Arajik Harutiunjan, oo ay gacanta ku dhigeen rag ku labisan darayska ciidamada.

Bishii Oktoobar 2020, Arajik Harutiunjan ayaa lagu xukumey xabsi isagoo maqan waxaana la galiyay liiska caalamiga ah ee Asarbijaan baadigoobeyso.

Salaasadii ayaa la xidhay, sida ay sheegtay hay’adda ammaanku. Waxaa lagu eedeeyay inuu kiciyay dagaal gardaro ah iyo argagixisanimo, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Sida laga soo xigtay denbi baadhayaasha, Harutiunjan “wuxuu ka qaybqaatay dagaal gardaro ah oo ka dhacay dhulka Asarbijaan” waxaana sidoo kale la sheegay inuu ku lug lahaa qorista, tababarka iyo maalgelinta calooshood u shaqeystayaal ka qaybqaatay colaadaha ka dhanka ah ciidamada qalabka sida ee Asarbijaan.

Harutiunjan oo 49 jir ah ayaa ahaa madaxweyne iyo ra’iisul wasaarihii hore ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga Nagorno-Karabakh.

Waxa uu xilka iska casilay wax yar ka hor Dagaalkii kediska ahaa ee Asarbijaan ku qaadey, markii ay caddaatay in Asarbijaan ay gacanta ku hayso dhammaan gobolka buuralayda ah ee lagu muransanaa, ayaa lagu dhawaaqay in ismaamulka la kala diri doono.

Azerbaijan ayaa guul kaga dhawaaqday magaalada Nagorno-Karabakh, waxayna sheegtay inay si buuxda u maamulayso deegaankaas oo ay inta badan deggan yihiin qowmiyadda Armeeniyiintu. Toddobaadyadii la soo dhaafay, in ka badan 100,000 oo qof, ayaa u qaxay xadka Armeneeniya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this