Sign in to follow this  
Deeq A.

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday faa’iidada Toonta

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad.
Screenshot_20231007_081301_Google.jpg
Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da’da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basasha, basaaska iyo kuwa kale.
Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan. Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.

Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddidada geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20.

Nafaqada laga helo toonta

Toonta waxaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii’aadanka, waxaana kamid ah:

Tamarta u wanaagsan jirka banii’aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maaddada borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka.

Faa’idada ay caafimaadka u leedahay toonta

1. Waxaa ku jira maaddooyin caafimaadka u wanaagsan

Toonta waxaa laga helaa maaddo la yiraahdo allicin-maadadan waa midda toonta u yeesha dhadhanka gaarka ah, waxay ka qeyb qaadataa xoojinta caafimaadka, waxay yareysa gaaska ku dhaca caloosha ama xiidmaha, inta badan maadada allicin waa waxa horseeday in si weyn loo adeegsado toonta. Dad badan waxay riiqaan toonta iyagoo dawo ahaan u adeegsanaya.

2. Waxay yareysaa halista wadno xanuunka

Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxaa diiradda lagu saaray awoodda toontu u leedahay inay yareyso cudurrada wadnaha iyo caawinta maareynta heerarka kolestaroolka. Daraasado dhowr ah waxay sheegeen in toonta ay yareyso in (unugyada ku lug leh xinjirowga dhiigga) ay ku uruuraan xiddidada halbowlaha qaada dhiigga, waxay ka dhigan tahay in toonta ay ka hortagto xinjijowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa halista cudurka wadno xanuunka. Toontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa halista dhiig karka iyada oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso xididdada dhiigga, taasoo u horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka banii’aadanka ugu dhex socdo.

3. Waxay ka hortagtaa Kansarka

Toonta waxaa ku jira walxo Sulphur ah oo lagu sameeyay daraasado, waxaana la ogaaday inay ka hortagaan unugyada kansarka iyo burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta toonta ku leedahay ka hortagga Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo baahan yahay cilmi baarisyo ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani.
4. Waxaa lagula dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska
Toonta waxaa in muddo ah loo adeegsan jiray in lagula dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada, feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan toonta qoyan iyo tan saliidda laga sameeya.

5. Waxay xoojisaa awoodda lafaha banii’aadanka

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka hortaggo lafo burburka, waxayna sare u qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka. Sidoo kale cilmibaarista waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa ay ku reysteen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this