Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin ” Madaxii Wagner wuxu ku dhintay bam ku qarxay gudaha diyaarad uu la socday”

Recommended Posts

Deeq A.   
wagner.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in burburka diyaaradda uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin, ay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda,balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi.

Madaxweynaha ayaa xusay in in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August. .

“Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda – tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, isagoo u muuqday mid qashinka ka qaadaya sheegashada saraakiisha Mareykanka oo rumeysan in diyaaradda la soo riday.

Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August.

PUNTLAND POST

The post Putin ” Madaxii Wagner wuxu ku dhintay bam ku qarxay gudaha diyaarad uu la socday” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this