Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696604243969.jpg?resize=720%2C40

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo wafdi ka kooban Golihiisa Fulinta ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa oo casumaad ka helay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ayaa ku sugnaan doona Muqdisho muddo afar maalmood ah iyaga oo kala hadli doona arrimaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay ugu horreeyaan gargaarka, amniga, waxbarashada iyo horumarka.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda JFS Axmed Macallin Fiqi, xubno ka tirsan JFS, qaar Ka mida Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madax dhaqameed iyo bulshada gobolka Benaadir.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this