Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo ku Eedeeyay Xukuumadda Joojinta dhoofka Xoolaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo ku Eedeeyay Xukuumadda Joojinta dhoofka Xoolaha

Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Xannaanada Xoolaha xisbiga WADDANI Dr. Axmed Shugri ayaa sheegay in siyaasad xumo iyo masuuliyiinta Xannaanada xoolaha oo aan garaynin sgaqadoodu joojisay dhoofka xoolaha.

Xoghaye Axmed Shugri wuxuu sheegay iskuduwaha xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil oo aan awood shaqo u lahayn uu joojiyay xoolaha oo uu yidhi lama geli karo maxjarada, taasi oo uu ku sifeeyay jaranjaro dhaaf aan loo baahnayn.

Sidoo kale wuxuu Wasiir Siciid Sulub ku eedeeyay inuu dhabqinayo dhoifka xoolaha ilaa imikana aan laga hayn Soomaaliya inay kaalin ka qaadatay joojinta dhoofka xoolaha ee Sucuudiga ka soo baxay.

Xoghaye Axmed Shugri wuxuu intaas ku daray in Wasiir Siciid Sulub looga baahan yahay in uu Sucuudiga oo uu joogo ka soo furdaamiyo dhoofka Xoolaha.

Sidoo kale wuxuu maamul xumo iyo fashil ku tilmaamay Xukuumadda xisbiga KULMIYE oo uu xusay ku fashilantay Hoggaaminta dalka.

Dr. Axmed Shugri wuxuu xusay inay dhoofka xooluhu uu yahay isha ugu weyn ee dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay, sudaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in laga yeesho siyaasad cad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this