Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin oo ‘si yaableh iskaga duway’ shilkii diyaaradeed ee madaxii Wagner ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   
Prigozhin.png?fit=2500%2C1577&ssl=1

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in bur-burka diyaaraddii uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin aysan kusoo dhicin fara-gelin dibadda ah.

Waxa uu ka dhawaajiyay inay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda, balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Putin ayaa ayaa sidoo kale xusay in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August.

“Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda, tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, oo u muuqda mid meesha ka saaraya sheegada Mareykanka oo rumeysan in diyaraadda lasoo riday.

Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku bur-burtay waqooyiga Moscow, waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August.

Putin ayaa markaas ballan-qaaday in baaritaan lagu sameynayo dhacdadaas, isaga oo Prigozhin ku qeexay ganacsade xirfadle ah oo uu garanayey tan iyo sagaashamaadkii. Sidoo kalena ku tilmaamay inuu ahaa nin khaladaad sameeyey balse “ku guuleysta natiijooyin la taaban karo.”

Si kastaba, Xaaladda shilkaas oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadkii ku dhowaa Prigozhin, ayaa markaas dhalisay hadal-hayn caro leh oo ku saabsan suurta-galnimada ah in khaarajiyey.

The post Putin oo ‘si yaableh iskaga duway’ shilkii diyaaradeed ee madaxii Wagner ku dhintay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this