Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Maraykanka oo soo riday diyaarad uu lee yahay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-c7b8-08dbc62217e6_w40

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.

Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK.

Ciidamada Mareykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Mareykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta.

Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Mareykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara.

Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Maraykanka oo soo riday diyaarad uu lee yahay Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this