Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Boom in livestock trade brings in cash...

Recommended Posts

Sawir-3.1.JPG

 

Xoolihi ugu tiro badnaa oo maanta laga dhoofiyey Dekada Bosaaso(Sawiro).

 

November 16, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

Xoolihi ugu tiro badnaa oo maanta laga dhoofiyey Dekada Bosaaso(Sawiro). | read this item C/qani C/laahi Cabdi

 

Horseed Media

 

Bosaaso,Soomaaliya.

 

Xoolahaan oo tiradooda ay gaarayso 40,000 oo neef ayaa waxaa saaka Dekada weyn ee magaalada Bosaaso ka qaaday Markab lagu magacaabo Al-iimaan kaasi oo laga leeyahay Boqortooyada Sacuudiga,lana filayo in la geeyo isla wadanka sucuudiga.

 

Xoolahaan ayaa waxaa ay marki hore soo mareen maxjarka weyn ee Bosaaso oo lagu baaraayay xaaladooda caafimaad,waxaana dekada saaka ahayd mid aad u mashquul ah.

 

 

Maamulaha Maxjarka weyn ee Bosaaso Maxamed Faarax oo saaka dekada kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in wax aad lagu farxo ay tahay 11-sano ka dib xoolaha Soomaalida marki ugu horeysay ay ka dhoofaaan dekada Magaalada Bosaaso lana geeyo dalka Sacuudiga,wuxuun mahad balaaran u soo jeediyey Dowlada Sacuudiga oo dhowaan ogolaatay in ay qaadato xoolaha Soomaalida oo ay mudo xayirtay.

 

Wuxuuna shaaciyey in Markabka Al-iimaan u yahay markabki ugu horeeyey ee xoolo ka qaada Soomaaliya,hase yeeshe ay jiraan Maraakiib kale oo markabkaan xigi doona,isagoo xusay in loo baahanyahay ganacsatada Soomaalida ay ka fa’ideystaan fursadaan.

 

 

“Waxaan u mahadcelinaaya Shirkada Live Stock oo iska leh xoolaha maanta dhoofaya,waxaana ganacsatada aan ku boorinaaya in ay ku deyasho muujiyaan”,ayuu yiri Maamulaha Maxjarka.

 

Mar u ka hadlaayay dareenkiisa ku aadan xoolahaasi dhoofayay ayaa sheegay hadii laga fa’ideysto xoolahaasi dhoofaya taasi ay keen doonto dhaqaale fara badan oo soo gala wadanka,kaasi oo u sheegay in qof kasta u ka fa’ideysan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoolihii uguhoreeyay oo sacudiga looqaadayo oo lagararayo dekeda Bosaso

 

Waxaa maanta ilaa xalay kasocota dekeda wayn ee magaaladan Bosaso dhoofitaanka xoolo farabadan kuwaas oo loo dhoofinayo wadanka sacudi Arabia xili mudo lagajoogo 13 sano xukuumada sacudigu ay joojisay qaadashada xoolaha soomaalida oo lasheegay in ay qabaan jirada loo yaqaan Rivtvaliga .

 

Markab wayn oo ah nooca xoolaha rara ayaa xalay ilaa maanta waxa socota rarka xoolaha waxaana markabkan uu yahay mid aad uwayn qaadi karana xoolo aad ufarabadan waxaana lagu wadaa in markabkan uu qaado xoolo aad ufarabadan oo kor udhaafaya 40,000 oo neef .sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah masuuliyiinta maxjarka Bosaso .

 

Xoolahan loo dhoofinayo wadanka Sucuudiga ayaa waxay dhamaantood soo mareen caafimaad laxiriira caafimaadka xoolaha waxaana xarunta maxjarka xoolaha ee magaaladan bosaso kusugan dhaqaatiir farabadan oo lasocda caafimaadka xoolaha ,waxaana dhaqaatiirtu ay baarayaan dhamaan xoolaha soo gala gudaha maxjarka iyadoo marka labaaro xoolaha mid walba lagu dhajinayo calaamad muujinaysa in neefkaas uu yahay mid caafimaad qaba .

 

Maanta oo aanu booqanay dekeda Bosaso ayaan lakulanay qaar kamid ah masuuliyiinta Maxjarka xoolaha ee magaaladan bosaso oo dadaal balaaran ugalay sidii xoolo caafimaad qaba ay uga dhoofi lahaayeen maxjarka Bosaso waxayna masuuliyiintaas ay cadeeyeen in ay si aad ah ugufaraxsanyihiin in mudo haatan laga joogo 13 sano ay markii uhoreysay xoolo loo dhoofiyo wadanka Sacudiga .

 

Maxe’d Faarax waa maamulaha maxjarka Bosaso isaga oo dekeda gudeheeda kula hadlayay saxaafada ayuu ugu horeyn waxa uu mahad uceshay dawlada Sucuudiga oo ufurtay xoolaha somalida in loo dhoofiyo wadanka sucuudiga ,waxana uu cadeeyay in xoolaha kadhoofaya dekeda Bosaso ay kuli yihiin xoolo wata shahaado baaritaan o cadeynaya in xoolaha caafimaadkoodu yahay mid aad uwanaagsan oo aysan qabin wax xanuun ah .

 

Maxe’d Faarax ayaa markale carabka kudhuftay in fursadan ay tahay dfursad usoo hoyatay shacabka Puntland waxaana uu ugu baaqay dhamaan ganacsatada gaar ahaan ganacsatada Puntland in ay xolahooda keenaan maxjarka si ay uga dhoofaan dekeda Bosaso xoolo caafimaad qaba oo labaaray xaaladooda caafimaad .

 

ugu dambayntii waxaa xoolaha somnalida saarnayd cunaqabatayn mido gaaraysa 13 sano oo aysan xoolaha somalidu aysan udhoofayn gudaha wadanka sucuudiga waxayna fursadan ay haatan noqonaysaa mid ah aad usoo dhaweeyaan dhamaan soomalida iyo ganacsatada kudhaqan gudaha dalka Somaliya .

 

Mudadii ay xukuumada sucudigu xayiraada saartay xoolaha somalida ayaa somaliya waxaa kabilawday dhibaatooyin ay kamid yihii in wadaka ay kabilaabatay sicir barar iyo macayshada oo kor ukacda iyadoo dhaqaalada somalidu uu si aad ah ugu xiranyahay kaganacsiga xoolaha nool waxaana lacadeeyaa in somlaiya waxa ay Dibada udhoof gaysaa 70% ay yihiin xoolaha nool .

 

Xasan Cabdi Farey(Xasan Gentleman)

SBC International Bosaso

xasanfaray@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Haatu:

xoolaha xageey ka yimaadeen?

I can't answer your question but I can you tell this: Xoolaha Western Somalia are NOT going to Bosaso port any more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yup they are going to the Port in Jigjiga, all I know adeer that today alone 40,000 animals were shipped and this is the start, thus there is no shortage of animals is there?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^LOL. NO adeer your question was irrelevent, who cares where the animals come from as long as they meet the demand? :D There is a great deal of cash being made now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Instead of just exporting goats, sheep and misery. They should be exporting computers, machinery, chemicals, things like that. Something that will create real wealth.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Haatu, Duke buufis buu qabaa wuu is ilaalinayaa suaal ha weydiin LOL.

 

Duke, I don't know if there is a shortage of livestock in Bari, I was just stating a mere fact.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by peacenow:

Instead of just exporting goats, sheep and misery. They should be exporting computers, machinery, chemicals, things like that. Something that will create real wealth.

And how should they do that? Get a geel-jire and tell him to manufacture the latest Dell pc? O no, they should just aim for something simple and build airplanes :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this