Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenka WADDANI oo Isku Baraarujiyay u Diyaar garowga Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenka WADDANI oo Isku Baraarujiyay u Diyaar garowga Doorashooyinka
IMG-20231005-WA0000.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta Dhexe ee xisbiga kulan kula qaatay qaybo ka mid ah haween weynaha Xisbiga.

Shirka oo ay hoggaaminaysay guddoomiye kuxigeenka Garabka Haweenka ee heer qaran Marwo Safiya Cumar Faarax kana qayb galeen Xoghayaha Xuquuqal Iisaanka Marwo Maryan Maxamuud Dirir, guddoomiye kuxigeenka gobolka Maroodijeex Marwo Sahra Cabdi Xasan iyo guddoomiyaha garabka haweenka gobolka maroodi-jeex Marwo Foosiya Maxamed Xirsi (Xadiyo) ayaa lagaga hadlayay sidii loola jaanqaadi lahaa jihada doorashada ee dalku qaaday, islamarkaana Haweenku kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen arrimaha doorashooyinka.
Haweenku waxay isku baraarujiyeen in ay u diyaar garoobaan diirashooyinka isa saarka ah ee soo sicda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this