Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Beeralaydu ugu Diyaar Garoobayso Madasha Dhaqaalaha oo lagu Qabtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231005-WA0001.jpg

Shir Beeralaydu ugu Diyaar Garoobayso Madasha Dhaqaalaha oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Kulan balaadhan oo ka qabsoomay Wasaaradda Horumarinta Beeraha
oo ay ka soo qayb galeenc
Xubno ka tirsan Beeralayda kala duwan ee Wada shaqaynta la leh Wasaaraddaasi,

Kulankan ay wasaaraddu u qabatay Beeralayda ayaa ahaa mid loogu diyaargaroobayo shirweynaha 2-aad ee Dhaqaalaha Somaliland oo 14 – 15 October 2023 ka qabsoomi doona Magaaladda Hargeysa.

Shirkaas oo aad looga warbixiyey beeralayda shirka dhaqaalaha qaranka iyo Arrimaha lagaga hadli doono ee khuseeya xal u helida caqabadaha hortagaan beeraha iyo beeralayda iyo xal u helida siday uga qayb qaadan lahaayeen beeralaydu figradaha laysku waydaarsanayo shirkaas iyo waayo aragnimadooda.

Beeralayda ka soo qayb gashay shirkaasi waxay balan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan qabsoomida shirkaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this