Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanad ka dib guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo ka qayb-galay dood ku sabaan dagaalka Al-Shabaab ayaa ka hadlay sanad ka dib waxa u qabsoomay, dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in la maquuniyay Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhacday awooddii ay laheyd kooxda sanad kahor, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in nidaam ahaan, ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay haatan u burbureen kooxda Al-Shabaab, kadib duulaanka culus ee lagu qaaday.

“Dagaalkaas Khawaarijta lagu qaaday wuxuu keenay in awooddii kooxdu sii muuqda aanay maanta u jirin laga soo bilaabo qaababkii ay u dhisnaayeen. Nidaamkii xukun ee u dhisnaa kooxda inuu burburay, haddii ay ahaan lahayd nidaamkii maamul, haddii ay ahaan lahayd nidaamkii maaliyadeed haddii ay ahaan laheyd nidaamkii ciidan” ayuu yiri Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intooda badan cagta la mariyay xarumihii ay ku adeegi jireen iyo kuwa ay ku tababari jireen dagaalyahanadooda.

“Goobihii ay ku adeegan jireen ama isbitaallo u ahaa,  ama meelo ay ciidamada ku tababaraan way baaba’een” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiir ku xigeenku.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale boggaadiyay doorka ay shacabka Soomaaliyeed haatan ka qaadanayaan dagaalka, taas oo kuu ku tilmaamay guul kale oo weyn.

“Arrinta kale ee guusha weyn waxaa waayay baraaruga dadka, sanad kahor Khawaarijta waxa ay joogeen bahdilaadda ay dadka Soomaaliyeed ku sameeyeen inay gaarsiiyeen in taleefan ay ku maamulaan oo waxa ay rabaan u sheegaan” ayuu mar kale yiri Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Sanad kadib waxaan joognaa in dadka Soomaaliyeed maanta inay ku tartamayaan wax ka sheegay Khawaarijta”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli uu socda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka, waxaana howlgallada dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

The post Sanad ka dib guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this