Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganasade Mashruuc Biyo Xireen ah Ka Waday Wabiga Shabeelle oo Baladweyne Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenimadii xalay kooxo hubeysan  ay ku dishay ganacsade siweyn looga yaqaanay magaalada, kaas oo magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir.

Dilka  loo geystay ganacsadaha ayaa ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, xilli kooxdii dilka fulisay ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay dilka toogashada ah ee loo geystay marxuumka.

Marxuum Xasan Xaaji Daahir oo loo yaqaanay Xasan Nigeria ayaa mudooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireenada Baledweyne oo inta badan ku fataha magalada.

Ciidamo kamid ah kuwa ammaanka oo gaaray goobta ayaa baaritaanno ka sameeyay, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada oo ku aadan dilka loo geystay Allah u naxariistee ganacsade Xasan.

Magaalada Baladweyne ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dilal dhowr ah, kuwaas oo lagula kacay dad haldoor ka dhex ahaa bulshada dhexdeeda, waxaana inta badan baxsada kooxdii dilka geysata sida dhacday dhowr jeeer.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this