Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo la wareegay degaano cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
380842133_336144842425673_22252906559584

Waajid (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanTa si wadajir ah howlgallo aad u culus uga sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo hoostaga degmada Waajid ee gobolkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa guddoomiyaha maamulka degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusuf, waxayna ciidamadu ku gaareen deegaanada kala ah Malable iyo Baar oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa dhankooda shaaca ka qaaday inay ka hortageen weeraro ay halkaasi kasoo abaabulayeen Al-Shabaab, kadib xog ay heleen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanada lagu dagaalamay, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay innoo sheegeen in gurmad iyo ciidamo horleh ay kusii qulqulayaan aagga degmada Waajid.

Maalmihii u dambeeyay waxaa gobolka Bakool ka dhacayay dagaallo iyo weeraro ay gaysanayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay oo khasaare xoogleh gaystay ayaa waxaa lagu beegsaday kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugnaa agagaarka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac

The post Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo la wareegay degaano cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this